Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran: Masaajidda dib ayaa loo furayaa


Iran ayaa qorsheyneysa in ay dib u furto masaajidada iyo iskuullada ku yaalla goobaha sida joogtada ah aan looga helin kiisas cusub oo coronavirus ah, xilli ay dowladda Madaxweyne Hassan Rouhani bilaabeyso in ay khafiisifo xayyiraadaha lagu xakameynayay faafitaanka Coronavirus.

Illaa bartamihii bishii March, masaajidada ayaa xirnaa iyadoo isku soo baxyada diimeedna la mamnuucay, waxaana ay dadku ka qeybgalaan munaasabadaha bisha barakeysan ee Ramadan iyagoo ku dhex jira gawaaridooda. Iran ayaa ah dalka ugu daran ee Bariga Dhexe ee uu sida aadka ah u saameeyey Coronavirus.

TV-ga dowladda iyo warbaahinta bulshada ayaa baahinayay muuqaallo tusinaya dadka oo gawaarida ku dhex jira islamarkaana ka daawanaya munaasabado diimeed shaashad weyn caasimadda Tehraan.

“Masaajidada ilaa 132 magaalo oo khatartu ay aad u hooseyso waxaa dib loo furi doonaa Isniinta. Salaadaha Jimcaha ee magaalooyinkan dib ayay u bilaaban doonaan,” ayuu ku yiri Madaxweyne Rouhani khudbad laga sii daayay TV-ga.

Wasaaradda caafimaadka ee Iran ayaa Sabtidii sheegtay in tirada kiisaska dalkaasi ay hoos u sii dhacayaan.

Wasaaradda ayaa qoraal ay maanta soo saartay ku sheegtay in tirada dadka u geeriyooday COVID-19 ee gudaha dalkaasi ay tahay 6,203 qof, iyadoo tirada guud ee kiisaska dadka uu soo ritayna ay tahay 97,424 qof.

REUTERS

XS
SM
MD
LG