Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kiisaska Coronavirus ee Jabuuti oo kordhay


Dawladda Jabuuti ayaa shaacisay in shan qof oo cusub laga helay xanuunka Coronavirus 24-kii saac ee lasoo dhaafay, taasi oo tirada guud ka dhiagysa 1077.

Kiiskaska cusub waxay ka mid ahaayeen 414 tijaabo shaybaar oo la sameeyey.

Jabuuti guud ahaan 12,985 kiis ayaa cudurka laga baaray. Ilaa haatan waxaa dhintay 2 qof, waxaa bogsooday 599 qof.

Jabuuti ayaa ah dalka laga diiwaan-geliyey kiisaska ugu badan COVID-19 ee Bariga Africa inta illaa iyo hadda la shaaciyey.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG