Isku xirrada

War Deg-Deg ah

TikTok iyo Gates Foundation oo lacag ugu deeqay Africa


Shirkadda dhinaca warbaahinta bulshada ee TikTok iyo hay’adda Gates Foundation ayaa shaaca ka qaaday in midkiiba uu bixin doono 10 milyan oo dollar si wax loogu qabto dhibaatada Coronavirus ee Afrika.

Dhinacyadan ayaa maanta sheegay in qarashaadkaasi ay ku caawin doonaan shirkadda GAVI ee ka shaqeysa dhinaca tallaalka, si ay uga caawiyaan Afrika in tallaalka COVID-19 uu gaaro.

GAVI ayaa sheegtay in qarashaadkaasi ay u isticmaali doonaan sidii tallaalka loo gaarsiin lahaa Afrika, marka la xaqiijiyo in uu wax ka qabanayo COVID-19 islamarkaana la sharciyeeyo.

Dalal badan iyo shirkadaha dawooyinka soo saara ayaa dadaall xooggan ugu jira sidii loo heli lahaa talaalka cudurka Coronavirus, ayada oo ay socdaan tijaabooyin dhowr ah.

XS
SM
MD
LG