Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jabuuti oo shaacisay kiisas cusub oo Coronavirus ah


covid test
covid test

Dawladda Jabuuti ayaa maanta shaacisay tiro cusub oo ah dad laga helay cudurka Coronavirus.

Jabuuti waxay ku sheegtay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaasaradda caafimaadka in la xaqiijiyey 37 kiis oo cusub oo ah COVID-19 kaidb markii la sameeyey 321 tijaabo shaybaar.

Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus ee dalka Jabuuti ayaa haatan ah 1072, halka ay dhinteen laba qof, isla markaana ay bogsadeen 498 qof.

Jabuuti ayaa ah dalka laga diiwaan-geliyey kiisaska ugu badan COVID-19 ee Bariga Africa inta illaa iyo hadda la shaaciyey.

XS
SM
MD
LG