Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boris Johnson oo shaqada ku laabtay kadib xanuunkii COVID-19


Boris Johnson
Boris Johnson

Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson oo maanta dib ugu soo laabtay shaqada ka dib markii uu ka bogsaday xanuunka COVID-19, ayaa ka digay in ay wali khatar tahay in la khafiifiyo xayyiraadda saameysay dhaqaalaha Britain.

Johnson oo ah 55 jir ayaa isaga oo ka hadlaya banaanka xafiiskiisa Downing Street bil ka dib markii laga helay Coronavirus waxa uu sheegay in haddii ay dadku u midoobaan sidii ay sameeyeen lixdii todobaad ee la soo dhaafay ay Britain ka adkaan doonto feyruska coronavirus.

Britain ayaa ka mid ah wadamada diiwaangeliyey dadka ugu badan ee u geeriyooday coronavirus, iyadoo dalkaasi la xaqiijiyay dhimashada ilaa 20,732 qof.

Xayiraadda ayaa ka dhigtay Britain iney wajahdo hoos u dhicii dhaqaale ee ugu hooseeyey muddo soddon sano ah, iyo sare u kaca deyntii ugu badneyd ilaa dhmaadkii dagaalkii labaad ee dunida.

XS
SM
MD
LG