Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muuqaallo muujiyey tareenka hogaamiyaha North Korea


Sawirro satellite-ka ah ayaa muujinaya tareen la rumeysan yahay in uu yahay kan hogaamiyaha North Korea Kim Jong Un uu ku sugan yahay guri ku yaalla magaalo loo dalxiis tago ee dhanka bari ee dalkaasi, xilli ay jiraan kala duwan oo ku saabsan caafimaadka hogaamiyaha.

Website-ka 38 North oo aad ugu xeeldheer arrimaha dalka North Korea ayaa sawiro uu Sabtidii baahiyey ku sheegay in tareenka uu ku sugan yahay xarun ku taalla magaalada Wonsan.

Website-ka ayaase sheegay in aragtida tareenka hogaamiyaha aysan caddeyn u ahayn halka uu ku sugan hogaamiyaha North Korea, amaba xaaladdiisa caafimaad.

Wararka kala duwan oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Kim ayaa soo baxayay tan iyo markii uu bishan 15-keedii ka baaqday xuska 108-aad ee awoowgiis Kim Il Sung, oo ah aas-aasihii North Korea.

Dalka deriska ah ee South Korea ayaa diideysay ilaa waqtigaas in Jim uu aad u xanuunsanayo.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG