Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xalay saxiixay mara madaxweyne oo muddo 60 cisho ah xayiraad kusoo rogaya codsiyada dadka doonaya inay dalbadaan sharciga degenaanshaha Mareykanka ee Green Card-ka loo yaqaan.
Trump waxa uu sheegay in amarkan uusan saameyn doonin dadka shaqaalanimada muddada kooban ah kusoo galaya Mareykanka.
Waxa kaloo uu sheegay in amarkan uu muhiim u yahay si loo difaaco shaqaalaha Mareykanka oo mar horeba uu saameeyay xanuunka COVID-19, kaasi oo shaqooyin badan ay ku lumeen.
Haddaba saameynta uu amarka Madaxweyne Trump ku yeelan karo soo galootiga, ayaa wariyaha VOA-da Falastiin Axmed Imaan waxay ka warreysatay garyaqaan Amiin Haruun oo ka mid ah sharciyaqaanada Soomaalida ee gobolka Minnesota.