Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weeraro ka dhacay Afghanistan oo lagu dilay 26 askari


Ilaa 26 ka tirsan askarta Afghanistan iyo malayshiyaad taabacsan dowladda ayaa labadii cisho ee la soo dhaafay lagu dilay weeraro ay kooxda Taliban ka fulisay dhanka koonfureed ee dalkaasi, sida ay ku waramayaan saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga iyo kuwa deegaanka ah.

Dagaallameyaal ka tirsan Taliban ayaa habeenkii xalay weeraray saldhig ay ciidamada deegaanka ee Afghanistan ku leeyihiin degmada Khwaja Ghar ee gobolka Takhar.

Mohammad Jawad Hijri, oo ah afhayeenka gudoomiyaha gobolka Takhar ayaa u sheegay VOA in dagaalku uu socday saacado islamarkaana dagaalamayaasha Taliban la iska caabiyey markii ciidan gurmad ah ay deegaanka soo gaareen.

Wasaaradda difaaca ee Afghanistan ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in 17 ka mid ah askarta la dilay ay ka tirsanaayeen ciidamada milliteriga ah ee deegaanka, kuwaasi oo ka duwan ciidamada qaranka ee dalkaasi.

Docda kale, saraakiisha gobolka Balkh ayaa xaqiijiyey weerar kale oo ay Taliban qaadday Sabtidii kana dhacay degmada Shulgra, waxaana weerarkaasi lagu dilay sagaal ruux oo ka tirsan malayshiyaadka gacan saarka la leh dowladda, kuwaasi oo ah malayshiyaad isku aruursaday iney la dagaalaan kooxda Taliban.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG