Dowladda Djibouti ayaa dhowaan shaacisay in adeeg dekadeed oo bilaash ah ay muddo 60 cisho ah siineyso shirkadaha Ethiopia ee badeecooyinka ka dhoofsada dekedaha Djibouti.
Djibouti ayaa sheegtay in sababta ay tallaabadan u qaadday ay tahay mid ay ku caawinayaan dhaqaalaha dalka Ethiopia xilligan adag ee dunida uu kala xiray cudurka Coronavirus.
Dowladda Djibouti ayaan sheegin cadadka lacagta uu dalkeedu ku weynayo mudadaas laba bilood ah.
Haddaba, wariyehenna Maxamed Colaad Xassan ayaa arrimahan ka wareystay Abuubakar Cumar Xaddi oo ah Gudoomiyaha Marsooyinka iyo Aagga Canshuuraha ka caagan ee Dekadaha Djibouti.
Facebook Forum