Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa ka dhalan kara go'aanka uu Trump lacagta uga jaray WHO?


Donald Trump
Donald Trump

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay in si KMG ah uu u joojinayo lacagta uu Maraykanku uu ku taageero hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Trump ayaa ku eedeeyey in WHO “ay u muuqato inay u eexaneyso China,” islamarkaana shaki ka muujiyey sax ahaanshaha xogta China ee ku saabsan heerka dhimashada cudurka Coronavirus ee dalkaas, isagoo sheegay in WHO ay ka caawiso Shiinaha inay qariyaan.

Mareykanka ayaa sanaddii 2019 siiyey WHO lacag ka badan 400 oo milyan oo dollar, taasi oo laba goor ka badan tan dalka labaad ee kusoo xiga. Shiinaha ayaa bixiyey kaliya 44 milyan.

Haddaba saameyn intee le’eg ayey lacagtaas la hakiyey ku yeelan kartaa hawlihii ay hay’addu wadday.

Maxamed Cabdi Sandhere ayaa arrimahaas ka wareystay Faarax Maxamuud Maxamed oo ku sugan gobolka Virginia, arrimaha Maraykankana aqoon u leh. Faarax ayaa marka hore ka hadlaya dalalka ugu badan ee ururkan kaalmeeya.

Maxaa ka dhalan kara go'aanka uu Trump lacagta uga jaray WHO?
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:11 0:00


XS
SM
MD
LG