Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bernie Sanders oo ka haray tartanka doorashada


Bernie Sanders
Bernie Sanders

Senator Bernie Sanders oo ahaa musharrax u ordayay magacaabista xisbiga Dimuqraadiga ee doorashada madaxtinimo ee Mareykanka ayaa Arbacada maanta ah ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka.

Go'aanka Sander ayaa waxa uu ka dhiggan yahay in Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden uu noqonayo musharaxa la baratami doona Madaxweyne Donald Trump doorashada madaxtinimo ee dhaceysa 3-da bisha November ee sanadkan.

“Waddada guushu waa mid aan macquul aheyn,” ayuu Sanders ku yiri khudbad dhanka internet si toos ah looga daawanayay oo uu ugu talogalay taageerayaashiisa isaga oo ku sugnaa magaalada Burlington, ee gobolka uu senate-ka ku matalo ee Vermont.

“Waxaan ku soo gunaanaday in dagaalkan magacaabidda musharaxa xisbiga dimoqraadiga uusan noqoneynin mid guuleysta. Sidaas darteed, waxaan maanta ku dhawaaqayaa inaan joojiyay ololahayga,” ayuu yiri.

Sanders oo ah 78 jir isku tilmaama Dimuqraadi, hanti wadaag ah ayaa hogaaminayay codbixintii ugu horreeyey ee dhowr gobol oo Mareykanka ah ay ku dooranayeen musharaxa xisbiga Dimuqraadiga. Laakin waxa uu olohiisu galay xaalad quus ah markii uu ku guuldareystay gobolka South Carolina dhammaadkii bishii February xilligaas oo Dimuqraadiyiintu ay awooddooda isugu geeyeen taageerada Joe Biden.

Ka harista tartanka ee Sanders ayaa ka dhigan in ninkii ay is hayeen ee Biden oo ah 77 jir soo noqday madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ay doorashada madaxtinimo ku loollamaan Trump oo ah 73 jir markale doonaya in loo doorto Aqalka Cad.

Go’aanka Sanders ayaa yimid iyadoo Mareykanku uu la tacaalayo cudurka coronavirus taasi oo keentay in doorashooyinka isreeb-reebka ee xisbiga Dimuqraadiga qaarkood dib loo dhigo.

Sanders, oo ku guuldareystay doorashadii musharaxa xisbiga ee 2016-kii oo ay ku guuleysatay Hillary Clinton ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waxa uu wajahayay cadaadis ah inuu tartanka ka haro ka dib markii uu 17-kii bishii hore ee March looga adkaaday doorasho ka dhacday gobollada Florida, Arizona iyo Illinois.

XS
SM
MD
LG