Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Boris Johnson oo kasoo reyneysa


Hospital San Thomas
Hospital San Thomas

Xaaladda ra’isul wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa la sheegay in ay ka wanaagsan tahay sidii ay aheyd Isniintii, hase yeeshee wali wuxuu ku jira qolka gargaarka deg deg ah, kadib markii uu soo ritay cudurka Covid-19.

Afhayeen u hadlay xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in xaaladda Ra’isul wasaaraha ay dagan tahay si wanaagsanna loogu tacaalayo isbitaalka. Wuxuu kaloo sheegay in uu si caadi ah u neefsan karo uusann u baahan qalabka dadka ka caawiya neefsashada.

Johnson ayaa ah hogaamiyihi ugu horreeyay oo uu ku dhaco cudurka Coronavirus, iyadoo dhambaallo lagu taageerayo looga soo diray Ingiriiska iyo dhamaan aduunyada.

Isniintii ayaa la dhigay qeybta xaaladaha deg deg ah ee İsbitaalka St. Thomas ee magaaada London, Wasiirkiisa arrimaha dibadda Dominic Raab ayuu weydiistay inuu wadanka maamulo inta uu xafiiska ka maqanyahay.

Ingiriiska ayaa waxaa ilaa iyo hadda cudurka Covid-19 ugu dhintay ku dhawaad 6 kun iyo 200 oo qof, iyadoo Talaadadi shalay la diiwaangeliyay tiradi ugu badneyd ee hal maalin dalkaasi ugu dhimata xanuunka oo ah 786 qof.

XS
SM
MD
LG