Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wuhan oo laga qaaday xayiraaddii saarneyd


Dadka ka baxaya Wuhan
Dadka ka baxaya Wuhan

Kumanaan qof oo Shiinees ah oo ku go’doonsanaa magaalada Wuhan ee uu kasoo biloowday cudurka Coronavirus ayaa ayaa saakay aroortii xilliga dalka Shiinaha dhaqso uga baxay magaalada, kaddib marki ay dowladda qaadday xayiradi socdaalka ee Wuhan saarneyd labadi bilood ee laso dhaafay.

Kaddib marki ay xiyiraadda dadka ka saarneyd bixista iyo soo galista magaalada ay dhacday xalay saqdii dhexe kaddib, ayay dadka aanan deegaanka u dhalan billaabeen in ay magaalada ka baxaan iyagoo faraxsan, sugina la in ay deegaannadooda ku laabataan. İntooda badani waxay joogeen boosteejada tareenka ee Wuchang si aysan u seegin tareenka koowaad ee aroorta hore ka baxa halkaasi.

Sida ay dowladda hoose ee Wuhan sheegtay, qiyaasti 55 kun oo qof ayaa lagu wadaa in Arbacada maanta ah ay tareen uga baxaan magaalada.
Wakaaladda wararka doladda Shiinaha ee Xinhua ayaa sheegtay in wadooyinka waaweyn ay buuxiyeen gaadiid ay wadeen dadka ka baxaya magaalada, sidoo kale waxaa sakaay dib u billowday duulimaadka diyaaradaha ka baxa garoonka diyaaradaha caalamia ah ee Wuhan.

Magaalada Wuhan iyo gobolka ay caasimadda u tahay ee Hubei ayaa cudurka Covid-19 waxa ugu dhintay in ka badan 3000 oo qof, halka xanuunka uu ku dhacay 81 kun oo qof.

XS
SM
MD
LG