Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaf oo Dhuusomareeb ka sheegay inuu tanaasulay


Xaaf iyo Qoor Qoor
Xaaf iyo Qoor Qoor

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusomareeb, halkaasi oo uu ka asheegay inuu u tanaasulay danta dadka Galmudug.

Xaaf oo muddo ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa dhowaan halkaas ugu tegay xildhibaano ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya, oo la rumeysan yahay inay ka codsadeen tanaasulka.

Isaga oo uu garab taagan yahay madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, ayaa Xaaf wuxuu sheegay in maanta kadib Galmudug ay tahay mid qura.

Cabdiwaaxid Macalin Isxaaq ayaa warbixintan noo soo diray.

Xaaf oo Dhuusomareeb ka sheegay inuu tanaasulay
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:08 0:00


XS
SM
MD
LG