Hawlgallo milatari oo toddobaadyo ka socday Gobolka Shabellada Hoose ayaa ururka Al-Shabaab looga qabsaday dhul beereedyo ka mid ah gobolka Shabeellada Hoose iyo degmada Jannaale. Haddaba hawlgalladani ma ahaayeen kuwo sal adag oo lahaa qorshe dhammaystiran?
Su’aalahaas iyo kuwo kale ayaa Haaruun Macruuf weydiiyey Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmana Cumar Jeeniqaar oo taliye u ahaan jiray ciidanka Danab.