Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirkadaha basaska Soomaalida oo uu saameeyey bandowga Kenya


Soomaalida ka shaqaysa basaska rakaabka ah ee u kala safri jiray gobbolada kala duwan ee dalka Kenya ayaa sheegay inuu saameeyay bandowga ay dowladda Kenya ku soo roggtay dalka oo dhan, kaasoo ay oga gol leedahay xakamaynta faafidda xanuunka Coronavirus.

Shirkadaha basaska rakaabka oo sheegay in lix jeer ay baabuurtoodu u bixi jireen gobollada dalka, ayaa hadda lagu soo koobay laba jeer.

Sababta loo yareeyey safarrada babauurta ayaa ah qorshe ay dowladdu ku doonayso inay ku yarayso isa socodka iyo isdhex galka dadka si looga hortago faafitaanka COVID-19.

Wariyaha VOA ee magaalada Nairobi Khadar Maxamuud Xareed ayaa la kulmay qaar kamid ah dadka ka shaqeeya shirkadaha basaska waxayna uga warrameen saamaynta ay dareemayaan.

Shirkadaha basaska Soomaalida oo uu saameeyey bandowga Kenya
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:10 0:00


XS
SM
MD
LG