Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gantaallo lagu Weeraray Sacuudiga


Xiisadda Gacanta Khaliijka
Xiisadda Gacanta Khaliijka

Saudi Arabia ayaa sheegtay in nidaamkeeda difaaca cirka uu ka hortagay gantaallo nuuca baalistiga ah oo looga soo tuuray dhinaca dalka Yemen.

Wakaalada wararka Sacuudiga ayaa sheegtay in gantaalladani lagu soo tuuray gobolka Jizan ee xadka la leh Yemen iyo magaalada caasimadda ah ee Rıyad.
Sacuudigu wuxuu sheegay in laba qof ay kaga dhaawacantay firir ka dhashay gantaallada lagu soo weeraray.

Millatariga Sacuudiga ayaa ku eedeeyay weerarkaasi kooxda Xuutiga Yemen ee taageerada ka hela dowladda Iran oo ay xafiiltan dhanka gobolka ah kala dhaxeeyo Boqortooyada Sacuudiga.

XS
SM
MD
LG