Afar askari oo ka tirsan ciidamada maamulka Koonfur-Galbeed ayaa ku dhintay iska hor-imaad ka dhacay degmada Buurhaba ee gobolka Baay. Dagaalka ayaa u dhexeeyey ciidan ka wada tirsan maamulka Koonfur-Galbeed.
Dhinaca kale, qarax ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Baydhaba ee xarunta gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa ku geeriyooday askari ka tirsan ciidamada maamulka.
Weriyaha VOA, Mukhtaar Maxamed Catoosh, ayaa warbixintan ka soo diray Baydhabo.