Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran oo iska fogeysay sarkaal FBI ah oo la la'yahay


Xaaska iyo wiilka Levinson, Christine Levinson iyo Daniel Levinson
Xaaska iyo wiilka Levinson, Christine Levinson iyo Daniel Levinson

Iran ayaa sheegtay inaysan waxba ka ogeyn halka uu ku sugan yahay sarkaal ka tirsan FBI-da Mareykanka oo la waayey bishii March 2007.

Qoyska sarkaalkaas lagu magacaabo Robert Levinson ayaa Arbacadii sheegay inuu ku dhintay xabsi ku yaalla dalka Iran.

“Iran waxay mar walba ku celineysaa in saraakiisheeda aysan waxba kala socon halka uu ku sugan yahay Levinson, kumana jiro xabsi Iran ay maamuusho. Xaqiiqooyinkaas ma ahan kuwa is-beddelay,” waxaa sidaas qoraal uu twitter soo dhigay ku yiri afhayeenka howl-galka Iran ee QM Alireza Miryousefi.

Qoyska Levinson ayaa qoraal ay Arbacadii soo dhigeen baraha bulshada ku yiri “Maanta, waxaan inaga oo wadnaha na damqanayo, idinla wadaageynaa war naxdin leh oo ah oo ku saabsan Levinson, madaxii qoyskeena.”

Madaxweyne Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inaan loo sheegin in Levinson uu geeriyooday.

La-taliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad Robert O’Brien ayaa goor dambe sheegay in weli uu socdo baaritaanka “ayna rumeysan yihiin in Levinson uu muddo ka hor geeriyooday.”

Tehran ayaa bishii November 2019 sidoo kale inkirtay inay ogtahay halka uu ku sugan yahay Levinson, markaasi oo ay sheegtay inuu socday kiis sharci ah oo uu ku lug leeyahay oo ay qaadeysay maxkamad kacaan ah oo ku shaqo leh kiisaska amni.

Levinson ayaa waxaa lagu waayey jasiiradda Kish ee Iran ee ku taalla Khaliijka.

REUTERS

XS
SM
MD
LG