Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kiisaska Coronavirus ee dalka Kenya oo kordhay


Mutahi Kagwe, wasiirka caafimaadka Kenya.
Mutahi Kagwe, wasiirka caafimaadka Kenya.

Waxaa kordhay kiisaska la xiriira cudurka Coronavirus ee laga diiwaan geliyey dalka Kenya, sida ay shaacisay dowladda.

Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa sheegtay in ilaa sagaal kiis oo hor leh oo cudurka Coronavirus ah la diiwaan-geliyey shalay, taasi oo tirada kiisaska dadka qaba xanuunkaasi ee dalkaasi Kenya ka dhigaysa ilaa 25.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale baaritaano ku wada dad boqolaal gaaraya oo looga shakisan yahay xanuunka, waxaana suurta-gal ah in tirada ay kororto.

Dhinaca kale, ragga Soomaalida ee Iskaabulada ah ee ku nool magaalada Nairobi ayaa sheegaya inuu saameeyay go'aanadii ay dowladda Kenya dhowaan ku xidhay xarumihii makhaayadaha ee laga cuntayn jiray, tilaabadoosoo ay dowladdu ku doonayso in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus.

Warbixintan waxaa Nairobi kasoo diray Khadar Maxamuud.

Kiisaska dadka laga helay Coronavirus ee Kenya oo kordhay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:19 0:00


XS
SM
MD
LG