Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkey oo dacwado kusoo oogtay 20 Sacuudiyaan ah


Turkey ayaa 20 qof oo Sacuudiyaan ah, oo ay ku jiraan laba kaaliyeyaal u ahaan jiray Dhaxal-Suge Mohmed Bin Salman, kusoo oogtay dacwado la xiriira dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, sida ay Arbacda sheegeen dacwad-oogayaasha dalkaas.

Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyey taliye ku-xigeenkii hore ee sirdoonka Sacuudiga Ahmed al-Assiri, iyo la-taliyihii hore ee dhanka warbaahinta ee Maxkamadda boqortooyada Saudi Al-Qahtani, inay hogaamiyeen howl-galkii lagu dilay Jamaal Khaashuqji, ayaga oo amraya kooxda dilka fulisay.

Khaashuqji, oo ahaa 59 jir wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, ayaa la dilay 2-dii October 2018, markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, si uu uga soo qaato warqado uu u baahnaa, si uu u mehersado gacalisadiisa Turkish-ka ah Hatice Cengiz.

Turkey ayaa baaritaan u gaar ah ku sameysay dilka, kadib markii ay ku qanci weyday sharaxaadaha ay bixisay Sacuudi Carabiya.

Xafiiska Dacwad-oogaha Istanbul ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Assiri iyo Qahtani lagu eedeeyey “inay billaabeen dilkii ula kaca ahaa ee argagaxa badnaa, ayaga oo horseeday rafaad.”

18 tuhamanayaal kale – oo ay ku jiraan Meher Mutreb oo ahaa sarkaal sirdoon oo si joogto ah ula safri jiray Mohamed Bin Salman, iyo khabiir saynis Salah Al-Tubaigy iyo Fahad Al-Balawi oo ka mid ah ilaalada boqortooyada – ayaa lagu eedeeyey “dilkan ula kaca ahaa ee arxanka darnaa.”

20-ka qof, ayaa haddii dambiyada lagu helo waxay wajahayaan xabsi daa’in.

Dacwad-oogayaasha Turkiga ayaa sheegay in maxkamadeynta raggan la furi doono ayaga oo maqanayaal ah, balse ma aysan shaacin waqtiga.

Dacwad-oogayaasha ayaa horey usoo saaran waaran lagu soo xirayo eedeysanayaasha, oo aan ku sugneyn dalka Turkiga.

CIA-da, iyo Anges Callamard oo ah ergeyga gaarka ee QM u xil-saartay baaritaanka dilka Khaashuqji, ayaa dilka si toos ah ula xiriiriyey Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, eedeyntaas oo uu si xooggan u beeniyey.

AFP

XS
SM
MD
LG