Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pompeo oo dhex-dhexaadinaya Ashraf Ghani iyo Abdullah Abdullah


Mike Pompeo

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa booqasho aan la shaacin ku tagey Isniinta maanta ah magaalada Kabul, halkaasi oo la filayo inuu riixo wada hadalada nabadda ee Afghanistan iyo sidii xal loogu heli lahaa qalalaasaha siyaasadeed ka dib doorashadii madaxtinimada ee dalkaasi ee muranka dhalisay.

Pompeo ayaa la kulmi doona Madaxweyne Ashraf Ghani iyo ninka la tartamay ee ay is hayaan Abdullah Abdullah.

Ghani ayaa lagu dhawaaqay inuu yahay ninka ku guuleystay doorashadii dalkaasi, halka Abdullah uu ka dhiidhiyay natiijada. Labada mas’uul ayaa kiiba qabsaday xafladda dhaarta ee madaxweyninimada.

Booqashada Pompeo ayaa timid maalin kadib markii Mareykanka iyo Qatar ay gacan ka geysteen in saraakiisha Afghanistan iyo Taliban ay wadahadal toos ah ku yeeshaan dhanka alladaha muuqaalka ee internet-ka.

Zalmay Khalilzad, ergayga nabada ee Mareykanka ee Afghanistan, ayaa sheegay in labada dhinac ee Afghanistan iyo Taliban “ay ka dhabeeyeen sida ay uga go’an tahay yareynta rabshadaha, wadahadallada gudaha Afghanistan, iyo xabbad-joojin dhameystiran oo joogto ah,” iyagoo la isla gartay in la qabto wada-hadallo dheeri ah labada cisho ee soo socota.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG