Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Malaayiin Mareykan ah oo lagu Amray iney Guryahooda Joogaan


Gudoomiyaha Gobolka California
Gudoomiyaha Gobolka California

Malaayiin Mareykan ah ayaa guryahooda ku sugan Sabtida maanta ah ka dib amar ay ka heleen mas’uuliyiinta gobolladooda iyo dowladaha hoose taasoo lagu amrayo ineysan guryahooda ka bixin.

Waxaa loo ogol yahay kaliya iney u baxaan arrimaha daruuriga ah sida iney tagi karaan farmashiyeyaasha, suuqyada waaweyn ee raashinka, iyo goobaha shidaalka lagu iibiyo.

Dadka degan gobollada California iyo New York ayaa lagu amray in ay gurigooda joogaan taasi oo looga dan leeyahay in lagu yareeyo faafitaanka COVID-19, oo ah cudur soo rita bukaano badan maalin kasta.

Dadka deggan gobolka Illinois ayaa gelinka danbe ee maanta oo Sabti ah bilaabi doona hergelinta amarka ah iney guryahooda joogaan.

Tirada guud ee dunida oo dhan ee cudurka COVID-19 ayaa maanta oo Sabti ah mareysa 275 kun oo kiis sida ay ku warameyso xarunta la socodka Coronavirus u qaabilsan Jaamacadda Johns Hopkins.

Gobollada New Jersey iyo Oregon ayaa laga yaabaa iney iyana soo saaraan amarka dadka lagu amrayo inay guryahooda joogaan dagaalka lagula jiro viruska carqaladeeyay nolosha dunida oo dhan dartiis.

Coronavirus ayaa sabab u noqday in caruurta aynan aadin school dalka oo dhan, shaqaalaha ay ka shaqeeya guryaha ama shaqadoodii laga joojiyay.

Aroosyada iyo munaasabadaha cayaaraha oo gabi ahaanba la hakiyey, iyadoo malaayiin dad ah oo ku nool Mareykanka ay codsanayaan caymiska shaqo la'aanta. Waxaa sidoo kale xiran Goobaha cibaadada.

XS
SM
MD
LG