Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amisom oo wareejisay deegaan ku dhex yaalla Xalane


Ciidamada Amisom oo ku sugan xarunta Xalane
Ciidamada Amisom oo ku sugan xarunta Xalane

Hawlgalka AMISOM ayaa sheegay shalay inay wareejiyeen mas’uuliyuadda degaan ay ku noolaayen dad rayid ah oo ka tirsan xerada AMISOM.

Amisom waxay sheegtay in wareejintaasi ay qayb ka ahayd qorshaha kala guurka ee mas’uuliyadda amniga loogu wareejinayo dawladda Soomaaliya.

Hase yeeshee goobta la wareejiyey waxay ahayd meel ay ku noolaayeen dad rayid ah oo u badan dumar iyo carruur oo xiritaankeeda ay codsadeen mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya kadib markii ay soo baxeen eedo ku saabsan xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo lagu eedeeyey AMISOM.

Hawlgalka AMISOM waxay ku beeniyeen eedahaas waraysi hore oo ay siiyeen barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa idaacadda VOA.

Haddaba dadka sida weyn uga soo shaqeeyay xiritaanka goobtaas waxaa ka mid ahaa duqii hore ee Muqdishu Thabit Cabdi Maxamed. Haaruun Macruuf ayuu u warramay.

Amisom oo wareejisay deegaan ku dhex yaalla Xalane
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:21 0:00


XS
SM
MD
LG