Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jabuuti oo laga helay kiiskii koowaad ee Coronavirus ah


Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay xaqiijisay kiiskii ugu horeeeyey ee xanuunka Coronavirus laga helay waddankaas.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ku xaqiijiyey bartiisa twitter in xanuunkaasi laga helay muwaadin u dhashay dalka Spain oo waddanka soo galay 14-kii March.

Jabuuti waxay sheegtay in qofkaasi la karantiilay uuna ka mid ahaa koox reer Spain ah oo dalka ku yimid diyaarad milatari kuwaasi oo lagu hayey saldhigga ciidamada Faransiiska.

Warka kasoo baxay Jabuuti ayaa imanaya ayada oo sidoo kale dalalka deriska la ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya laga helay kiisas Coronavirus ah.

Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay in 477 kiis oo Coronivirus ah laga diiwaangeliyey guud ahaan qaaradda Afrika.

Koonfur Afrika ayaa sheegtay in tirada dadka uu xanuunka qabtay ay laba laabatay maalin gudaheed ayna gaadhay 116 kiis.

Nigeria waxay sheegtay inay waddankeeda ka mamnuucday dadka ka imanaya dalka China, Italy, Iran, South Korea, Spain, Japan, France, Germany, Mareykanka, Norway, United Kingdom, Netherlands iyo Switzerland. Nigeria waxaa ilaa haatan laga helay 3 kiis oo kaliya.

Waddanka Burkina Faaso ayaa dhinaca kale xaqiijiyey qofkii ugu horreeyey ee u dhintay cudurka ee waddamada ka hooseeya saxaaraha. Burkina Faaso waxaa laga diiwaangeliyey 27 xaaladood oo cudurkaas ah.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG