Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa gelinkii dambe ee Isniintii la wareegay gacan ku heynta magaalada Janaale oo saldhig u aheyd ururka Al-Shabab.
Ciidamada ayaa magaalada ku qaaday weeraray, waxaana u suurtagashay inay guud ahaan la wareegaan markii maleeshiyaddii Al-Shabaab ee ku sugnaa ay isaga carareen.
Jannaale ayaa horey ugu jirtay gacanta AMISOM iyo dawladda hase yeeshee waxay ciidamadu dib uga soo gurteen bishii Maarso sannadkii 2015-kii kadib markii Al-Shabaab ay kusoo qaadeen weerar ay ku dhinteen ilaa 19 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda.
Haddaba waa sidee xaaladda magaalada oo hadda ay maamulayaan ciidamada dowladda Soomaaliya. Wariyaha VOA-da ee Baydhaba Mukhtaar Maxamed Catoosh ayaa warbixintan ku eegaya.