Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Haddii la joojiyo horyaalka Turkey, waxaa badan doona furriinka - Madaxa Trabzonspor


Madaxda kooxda kubadda cagta Turkiga ee Trabzonspor ayaa kasoo horjeestay in horyaalka dalkaas ee Super League loo joojiyo cabsida Coronavirus, wuxuuna ku dooday in haddii ay sidaas dhacdo ay kordhi doonaan kiisaska furriinka lamaanaha.

“Anaga ayaa hadda hoggaanka hayna…waa in lagu dhowaaqaa in Trabzonspor ay horyaalka hanatay,” warbaahinta Turkiga ayaa sidaas kasoo xigatay Ahmed Agaoglu.

“Haddii horyaalka la hakiyo, oo la cayaaro ayada oo aysan daawaneyn taageerayaal, hal bil kadib dalka kama heli doonno garsoore qabta kiisaska furriinka,” ayuu yiri.

Agaoglu ayaa la arkayey isaga oo xiran maaskaro, marka uu la hadlayey warbaahinta.

Kooxda Trabzonspor -- mid ka mid ah kooxaha weyn ee aan ka dhisneyn magaalada Istanbul – ayaa haatan hoggaamineysa horyaalka ugu sarreeye Turkey ee Super League.

Turkey ayaa qaaday dhowr tallaabo oo ay ku xakameyneyso faafitaanka Coronavirus, waxaana ka mid ah xayiraad socdaal oo ay kusoo rogtay 20 dal, iyo inay amartay in cayaaraha ay dhacaan ayada oo aysan ka qeyb galeyn taageerayaal.

Dalka oo ay ku nool yihiin 83 milyan oo qof, ayaa waxaa laga xaqiijiyey 47 kiis oo Coronavirus ah, hase yeeshee illaa iyo hadda lagama soo werin wax dhimasho ah.

AFP

XS
SM
MD
LG