Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada dowladda oo Al-Shabaab ka qabsaday Jannaale


Ciidamada dowladda
Ciidamada dowladda

Wararka ka imanaya magaalada Jannaale ayaa sheegaya in halkaasi dagaal ku qabsadeen ciidamada dawladda Soomaaliya kadib iska horimaad ay la galeen maleeshiyada Al-Shabaab, oo sanado badan gacanta ku haysay magaalada.

Wararka ka imanaya magaalada Jannaale ayaa sheegaya in halkaasi dagaal ku qabsadeen ciidamada dawladda Soomaaliya kadib iska horimaad ay la galeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamada dawladda oo garabsanaya kuwa caalamiga ah ee taageera dawladda Soomaaliya ayaa weerarka ku qaaday oo galay magaalada, goor hore oo maanta ahayd.

Jannaale ayaa horey ugu jirtay gacanta AMISOM iyo dawladda hase yeeshee waxay ciidamadu dib uga soo gurteen bishii Maarso sannadkii 2015-kii kadib markii Al-Shabaab ay kusoo qaadeen weerar ay ku dhinteen ilaa 19 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda.

Haaruun Macruuf ayaa qabsashada Jannaale ka waraystay guddoomiyaha Shabeellada Hoose Ibraahim Aadan Najax.

Ciidamada dowladda oo Al-Shabaab ka qabsaday Janaale
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:15 0:00


XS
SM
MD
LG