Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saraakiil militari iyo boqolaal qof oo kale oo lagu xiray Sacuudiga


Saudi Arabia Police
Saudi Arabia Police

Boqortooyada Sucuudiga ayaa xabsiga dhigtay boqolaal shaqaale dowladeed ah oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan militariga iyo ciidamada ammaanka kuwaasi oo lagu eedeeyey laaluush iyo iney si xun uga faa’iideysteen xafiisyada ay maamulayeen ee dowladda.

Arrinta ayaa waxaa xilli danbe oo Axaddii ah ku dhawaaqay guddiga qaran ee Sucduuga u qaablsan la dagaalanka musuq-maasuqa (Nazaha) kuwaasi oo sheegay in baarayaashu ay soo gudbin doonaan dacwadaha ka dhanka ah dadka la xirxiray.

Nazaha ayaa boggeeda Twitter-ka ku soo qortay in la xiray lana maxkamadeyn doonno ilaa 298 mas’uul oo lagu soo oogi doonno dacwado ah danbiyo ay ka mid yihiin laaluush, iyo ku takri fal awoodeed waxaana la sheegay in ay six un u maamuleen adduun dhan 101 milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Dadkan la eedeeyey waxaa ka mid ah 8 sarkaal oo ka tirsan wasaaradda difaaca, kuwaasi oo lagu tuhmayo iney ku lug leeyihiin musuq maasuq iyo lacago si sharci-darro ah la isku weydaarsado oo quseeya qandaraasyada dowladda intii u dhaxeysay 2005 ilaa 2015-kii. Waxaa sidoo kale dadka la xiray ka mid ah 29 sarkaal oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha oo ay ku jiraan saddex korneyl, iyo 2 jeneraal.

Laba garsoore ayaa sidoo kale loo xiray iney qaateen lacago laaluush ah kuwaasi oo lala xiray 9 sarkaal oo iyana ku eedeysan musuq maasuq ka Jaamacadda Almaarefa ee magaalada Riyadh, kadib markii qeyb dhismaha jaamacadda ah uu burburtay falkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Hay'addu ma bixin magacyada iyo tafaasiil dheeri ah oo la xiriirta kiisaskan iyo shaqsiyaadka loo xirayba.

XS
SM
MD
LG