Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gantaalo lala Beegsaday Saldhig Ciidamada Iraq iyo kuwa Mareykanka


Gantaalo ayaa Sabtida maanta ah lala beegsaday saldhigga Taji ee waqooyiga Baghdad kaasi oo saldhig u ah ciidamada iyo kuwa shisheeye ee dalkaasi sida ay ila wareedyo ka tirsan Ciraaq iyo Mareykanka ayaa u sheegeen wakaalada wararka ee AFP.

Tahli al-Khafaji, af hayeenka howlgalada ciidamada Iraq, ayaa sheegay in laba ka mid ah ciidamada difaaca cirka ee Iraq uu dhaawac culus ka soo gaaray weerarkaasi.

Weerarkan ayaa ah kii 23-aad tan iyo dabayaaqadii October ee sanadkii hore kuwaaasi oo loo gaysto xarumo ku yaal waddanka Iraq oo ay ku sugan yihiin ciidamo Mareykan ah iyo diblomaasiyiin.

Weeraradan ayaaney jirin cid sheegatay mas’uuliyaddooda, laakiin Mareykanka ayaa ku eedeeyay canaasiir ka tirsan kooxda Hashed al-Shacbi, oo ah shabakad kooxo hubeysan oo gacan saar la leh dowladda Ciraaq.

Weerarkan ayaa yimid sedex maalmood ka dib markii weerar sidan oo kale ah ay ku dhinteen laba ka mid ah askarta milatariga Mareykanka iyo askari British ah, kaasi oo ahaa weerarkii ugu dhimasho badnaa muddo sanado ah.

AFP

XS
SM
MD
LG