Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo sheegatay inay 6 Shabaab ah ku dishay Gaarisa


Dowladda Kenya ayaa sheegatay in lix ka mid ah dagaalyahanada ururka Al-Shabaab, qeybta ka dagaalanta Goballada Waqooyi Bari ee dalka Kenya, maanta lagu dilay degaanka Jirole oo ka tirsan Ismaamulka Gaarisa.

Isku duwaha dhanka amniga Kenya u qaabilsan gobolka Waqooyi Bari, Nicholas Ndalana, oo sheegay dhimashada dagaalyahanadan, ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka amniga ay gacanta ku hayaan dagaalyahan kale.

Mr Nicholos ayaa intaa raaciyay in dagaalyahanka ay hayaan uu qabo dhaawac ka soo gaaray howlgalkan, ayna daweynayaan si uu ugu fududeeyo baaritaano la xiriira qorshayaasha Al-Shabaab.

Sargaalkan ugu sareeya ciidanka amniga Kenya ee gobolka ayaa sidoo kale tilmaamay in dagaalyahan kale oo dhaawac qaba uu ka baxsaday howlgalka aroornimadii hore ee saaka ay ciidanka ka sameeyeen deegaanka Jirole, ayna baadi goob ugu Jiraan.

Dhacdadaan ayaa imaaneysa laba maalin uun kadib markii ururka Al-Shabaab ay saddax qof ku dileen weerar ka dhacay Ismaamulka Mandera, sidoo kalena ay afduub u geysteen muwaadiniin Kenyan ah oo ku safrayay waddada dheer ee isku xirta gobalka Waqooyi Bari.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sanadkan 16 qof weeraro kala duwan ugu dilay dagmooyinka Lamu, Garissa iyo Wajer, ayaga oo sidoo kalena sababay burburr hantiyadeed.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG