Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaalka saliidda ee Sacuudiga iyo Russia oo xoogeystay


Shirkadda shidaalka Sacuudi Carabiya ee Saudi Aramco ayaa Arbacada sheegtay inay qorsheyneyso inay wax soo saarkeeda saliid ceyriin ay kordhiso hal milyan oo barmiil maalinkiiba, xilli uu xoogeystay dagaalka shidaalka ee u dhaxeeya Sacuudiga iyo Russia.

“Saudi Aramco waxay ku dhowaaqeysaa inay amar ka heshay wasaaradda tamarta si ay sare ugu qaado wax soo saarkeeda saliida oo hadda ah 12 milyan oo barmiil maalinkii, islamarkaana gaarsiiso 13 milyan,” ayey shirkadda ku tiri bayaan ay u dirtay Suuqa Kala Iibsiga Saamiyada ee Sacuudiga.

Tallaabada Sacuudiga ayaa timid kadib markii uu burburay heshiis u dhaxeeyey dalalka ku jira ururka OPEC iyo kuwa aan ka midka aheyn, oo Russia ay qeyb ka tahay.

Sacuudiga ayaa markii hore soo jeediyey in la dhimo wax soo saarka saliidda 1.5 milyan oo barmiil maalinkiiba, si loola tacaalo dhaqaale xumada ka dhalatay cudurka Coronavirus oo yareeyey dalabkii saliida cayriin ee caalamka. Hase yeeshee waxaa taas diiday Russia.

Dhowr sano ka hor, boqortooyada Sacuudiga ayaa meesha ka saartay qorshe ay wax soo saarkeeda saliida ceyriin uga badin lahayd 12 milyan oo barmiil maalinkiiba kadib markii hoos u dhac uu ku yimid dalabka saliida dalalka OPEC oo tartan xooggan kala kulmay shirkadaha Mareykanka ee soo saara shidaalka laga sameeyo dhagaxa.

Russia, oo ah dalka labaad ee dhoofiya saliidda ugu badan caalamka, ayaa Talaadadii sheegtay inay diyaar u tahay inay dib u cusbooneysiiso wada-shaqeyntii dalalka OPEC, inkasta oo uu Sacuudiga kasii daray dagaalka kuna dhowaaqay inuu suuqyada caamalka kusoo farqi doobno shidaal badan.

Isku dhaca Sacuudi Carabiya iyo Russia ayaa 25% hoos u dhimay qiimaha shidaalka caalamka, taasi oo horseeday in guud ahaan suuqyada saamiyada caalamka ay qiimo dhacaan.

AFP

XS
SM
MD
LG