Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump lagama baarin Coronavirus - Aqalka Cad


Donald Trump
Donald Trump

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa Isniintii sheegay in madaxweyne Donald Trump aan laga baarin cudurka Coronavirus, inkasta looga cabsi qabo dad uu xiriir la sameeyey.

Laba sharci-dejiye oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, oo Trump uu xiriir la sameeyey, ayaa dhowaan sheegay inay si iskood ah isku karantiilayaan kadib markii ay ka qeyb galeen shir uu sidoo kale joogay qof laga helay cudurka.

“Madaxweyne Trump lagama baarin cudurka COVID-19, sababtoo ah ma jirin xiriir waqti dheer ah oo uu la sameeyey qof la xaqiijiyey inuu cudurka qabo, mana lahan wax astaamo cudurka ah,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay afhayeenka Aqalka Cad Stephanie Grisham.

“Madaxweynaha caafimaadkiisa aad ayuu u wanaagsan yahay, waxaana kormeer kusii wadi doona dhaqtarkiisa.”

Xubnaha sheegay inay is-karantiilayaan waxaa ka mid ah madaxa cusub ee Shaqaalaha Aqalka Cad Mark Meadows oo sheegay in laga yaabo inuu xiriir la sameeyey qof la xaqiijiyey inuu cudurkan ku dhacay.

Waxaa sidoo kale sheegay inay is-karantiilayaan Senator Ted Cruz iyo saddex xubnood oo kale oo ka tirsan Aqalka Wakiilada oo kala ah Paul Gosar, Doug Collins iyo Matt Gaetz, kuwaas oo dhammaantood sheegay inay xiriir la sameeyeen qof laga helay cudurka oo ka qeyb-galay shir ay ku sugnaayeen.

34 ka mid ah gobollada Mareykanka iyo magaalada caasimadda ah ee Washington DC ayaa laga helay kiisas la xiriirka cudurka Coronavirus.

Jaamacadda Johns Hopkins ayaa Isniintii sheegtay in guud ahaan caalamka laga xaqiijiyey 113,584 kiis oo cudurka Coronavirus ah, iyo dhimashada 3,996, kuwaas oo badankood Shiinaha ah.

REUTERS

XS
SM
MD
LG