Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali Mareykanka iyo Walaaca ay ka Qabaan Crono Virus


Magaalada Caasimadda ah ee Washington iyo labada gobol ee deriska la ah ee Maryland iyo Virginia ayaa tobaneeyo dad ah waxaa laga baaray cudurka Corono Virus, laakinse ilaa iyo haatan waxaa la xaqiijiyey in 7 qof ay xanuunkaasi qabaan.

Gobolka Virginia, waxaa la soo weriyey ilaa 2 bukaan oo midkood uu yahay askari ka tirsan ciidamada Miriiniska ee saldhigga Fort Belvoir halka kan kalana uu yahay qof 80 jir ah.

Duqa magaalada Washington Muriel Bowser ayaa maalintii Sabtida ee shalay xaqiijisay hal bukaan oo degan magaalada oo laga helay cudurkaasi, halka gobolka Maryland laga soo weriyey ilaa saddex kiis oo ah dad uu cudurkani soo ritay.

Haddaba, qaar ka mid ah Soomaalida ku nool aagga saddexdan gobol ayaa VOA uga warramay walaaca soo wajahay mar haddii cudurkani uu soo gaaray gobollada ay deggan yihiin, waana kuwaan qaar ka mid ah.

Soomaalida Mareykanka oo ka walaacsan Crono virus
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:26 0:00


XS
SM
MD
LG