Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Safaaradda Mareykanka ee Tunisia oo qarax lala beegsaday


Tunis bombing
Tunis bombing

Warbaahinta Tunisia ayaa ku warrameysa in laba qof oo isa soo miidaamiyay ay isku qarxiyeen meel u dhow safaaradda Mareykanka ee magaalada Tunis ee dalka Tunisia.

Idaacadda gaarka loo leeyahay ee Mosaique ayaa ku warantay in shan boolis ah ay ku dhaawacmeen weerarka. Qaar ka mid ah booliska dhaawacmay ayaa ah kuwii ilaalinayey safaaradda Mareykanka.

Booliska ayaa jaray goobta uu qaraxa ka dhacay, halkaas oo uu ka muuqday burburka qaraxa. Waxa la arki karey calanka Mareykanka oo ka muuqda qeybta dambe ee halka ay wax ka dhaceen.

Saraakiisha ayaa sheegay in qaraxyada ay ku dhinteen labadii qof ee fuliyey.

Booliska ayaa sheegay in mid ka mid ah raga weerarka soo qaaday uu isku dayey inuu galo safaaradda balse laga hor-istaagay.

Kooxaha Islaamiyiinta xagjirka ah ayaa waayadan bartilmaameedsanayay dalkai Tunisia, halkaaso ay ku dileen dhowr qof.

XS
SM
MD
LG