Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saameynta dhaqaale ee cudurka Coronavirus


Cudurka Coronavirus ayaa kusii faafaya dalalka caalamka, ayada oo maalin kasta la xaqiijinayo kiisas cusub oo ah dad uu cudurka ku dhacay iyo kuwa u dhintay.

In ka badan 3,200 oo qof ayaa cudurkan ugu dhintay caalamka oo dhan, ayada oo kumanaan kale ay la il-daran yihiin.

Dalal badan ayaa dadka la weydiistay inay guryahooda joogaan oo aysan shaqooyinka iman, iskuullada ayaa la xiray, waxaana sidoo kale la joojiyey isu-imaatinka dadka ayada oo la baajiyey dhacdooyinka cayaaraha.

Dadka u dhimanaya cudurka ka sokow, waxa uu yeeshay saameyn dhaqaale oo xooggan, ayada oo lacag badan ay ku lumen suuqyada saamiyada.

Haddaba saameynta dhaqaale ee cudurka ayaa Falastiin Axmed Iimaan waxa ay ka wareysatay Jamaal Cali Xuseen oo bartay dhaqaalaha caalamiga ah.

Saameynta dhaqaale ee cudurka Coronavirus
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:48 0:00



XS
SM
MD
LG