Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliban 'oo sii wadeysa' weerarka ciidamada Afghanistan


US Taliban Talks
US Taliban Talks

Kooxda Taliban ayaa maanta oo Isniin ah sheegtay iney dib u bilaabi doonto weeraradeeda ka dhanka ah ciidamada ammaanka ee Afghanistan, iyada oo soo afjareysa xabad joointii kmg ahayd ee dalkaasi ka jirtay ka hor heshiiskii dhexmaray Taliban iyo Mareykanka.

Hadalkan ayaa yimid maalin ka dib markii Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani uu sheegay inuu sii wadi doono heshiiska yareynta rabshadaha ilaa wadahadalka Taliban iyo xukuumaddiisu uu bilaabanayo 10-ka bishan Maarso.

Hase ahaatee afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in heshiiskii yareynta rabshada uu idlaaday islamarkaana ay kooxdu ay weeraradeeda dib u bilaabi doonto.

“Sida uu qabo heshiiska Mareykanka iyo Taliban, mujaahidiintu ma weerari doonaan ciidamada shisheeye, laakin howlgalladeena ka dhanka ah ciidamada maamulka Kabul waan sii wadeynaa,” ayuu yiri afhayeenku.

Fawad Amano o ah ku xigeenka afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ee Afghanistan ayaa sheegay in dowladdiisu ay hubineyso in xabad joojintaasi ay burburtay.

“Ma heyno wax war ah oo ku saabsan weerarro culus,” ayuu yiri.

Ilaa markii heshiiska Mareykanka iyo Taliban la saxiixay Sabtidii, kooxda Taliban ayaa si shaacsan ugu dabaaldegeysay guushooda.

Sida ay qodobada heshiisku dhigayaan, ciidamada shisheeye ayaa dalkaasi ka baxaya muddo 14 bilood ah taasi oo ku xiran in marka hore ay Taliban ballan qaad dhankam amaanka ah sameyso islamarkaana ay wadaxaajood la furto xukuumadda Kabul.

Heshiiskii xabad joojinta todobaadka ee lagu yareynayay rabshadaha ayaa ahaa fursad shacabka dalkaasi u ogolaaday iney noloshoodu maalinlaha ah soo gutaan iyagoo aan ka baqeynin rabshado.

Madaxweyne Ghani ayaa sheegay in uusan ku talo jirin inuu dhaqan geliyo qeyb muhiim ah oo ka tirsan heshiiskii Doha kaasi oo dalbanayay sii deynta kumanaan maxaabiis ka tirsan Taliban.​

AFP

XS
SM
MD
LG