Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Mid ka mid ah Xildhibaannada lagu Xannibay Garoonka Nairobi


Wararka ka imanaya Kenya ayaa sheegaya in su’aalo lagu weydiiyey garoonka diyaaradaha ee Nairobi xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya oo safar qarsoodi ah ku tagay Muqdishu.

Xildhibaannada ayaa intii ay Muqdisho joogeen waxa ay la kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka wada hadleen ammaanka laba dal.

Xildhibaan Dr. Maxamed Daahiye Ducaale oo ka mid ahaa xildhibaannada safarka ku tagay Muqdisho, markii ay soo laabteenna lagu xannibay su’aalo weydiinta garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi ayaa VOA u sheegay in safarkoodu uu ahaa mid ay ku sii wargeliyeen laamaha amniga ee Kenya.

Wariyaha VOA ee waqooyi bari Kenya, Maxamed Faarax Shire, ayuu Xildhibaan Daahiye uga warramay safarkooda iyo qaabka ay ciidamada amniga ee Kenya ula dhaqmeen xildhibaanada markii ay soo gaareen garoonka magaalada Nairobi.

please wait

No media source currently available

0:00 0:08:09 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG