Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Joe Biden oo ku Guuleystay South Carolina


Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden ayaa guul ka soo hooyay codeyntii shalay ka dhacday gobolka South Carolina taasi oo soo nooleyneysa ololihiisa musharaxnimo ee xisbiga Dimuqraadiga, islamarkaana ka dhigeysa ninka ugu adag ee baratanka la gali kara Senator Bernie Sanders oo haatan hogaanka u haaya musharaxiinta tartameysa.

Guushan ayaa waxaa loo tirinayaa codbixiyeyaasha bulshada Mareykanka ee African Americans, waxaana ay tahay guushii ugu horreysay ee Biden oo ah 77 jir uu helo tan iyo markii uu tartanku bilowday, taasi oo sii xoojin kareysa rajadiisa maalinta loo yaqaan Super Tuesday ee ah 3-da bishan March oo 14 gobol oo muhiim ah ay codeynta isreereebku ka dhici doonto.

Biden waxa uu helay 48.4%, halka Sanders oo ku soo xigayna uu helay 20 %.

Tom Steyer oo ah nin Bilyaneer ah kaasi oo ku qarash gareeyey gobolka South Caroline lacag dhan 23 milyan oo doollar ayaa galay kaalinta sadexaad isaga oo helay 11.4 %, laakin waxa uu ku dhawaaqay inuu isaga haray gabi ahaanba tartanka intii aan natiijada la shaacin.

Duqii hore ee magaalada South Bend ee gobolka Indiana Pete Buttigieg ayaa helay 8% halka Senator Elizabeth Warren oo laga soo doorto gobolka Massachusetts ay heshay 7% codadkii la dhiibtay.

Guusha gobolka South Caroline oo bulshada madow ee loo yaqaan African-American ay ku xooggan yihiin, ayna yihiin 60% codbixiyeyaasha xisbiga Dimuqraadiga ee gobolkaasi ayaa loo arkaa mid ahmiyad gaar ah u leh rajjada Biden ee soo nooleynta ololihiisa sii liicaya.

Sanders ayaa ahaa ninka hogaanka u haya guud ahaan tartanka, isaga oo ku soo guuleystay laba gobo loo ka mid ah saddexda gobol ee codeeyey ka hor South Carolina, halka kan kale oo ah gobolka Iowa ay isaga iyo Buttigieg heleen natiijo barbarro ah.

South Carolina ayaa loo arkaayay iney tahay tijaabada taageerada dadka madow ay u hayaan senator Sanders hase ahaatee waxaa uu helay 14% codadka dadka madow halka Biden uu helay 60% taageeradooda.

AFP

XS
SM
MD
LG