Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo heshiis iibin agab militari ah la galaya India


India Namaste Trump
India Namaste Trump

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta sheegay in Mareykanku uu saxiixi doono heshiis looga iibinayo dalka India diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo qalab militari oo ku kacaya ilaa saddex bilyan oo dollar.

Ku dhawaaqistan ayaa timid mar uu Trump ka hadlayay isu soo bax lagu soo dhoweynayay oo ka dhacay magalaada Ahmedabad, halkaasi oo dad gaaraya 100 kun ay ku soo aruureen si ay u dhagaystaan Madaxweyne Trump iyo Ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi.

Ka hor booqashada, Madaxweyne Trump ayaa sheegay in heshiis ganacsi uu weyn oo ka dhexeeya labada dal uusan qeyb ka ahayn safarkiisan. Laakin khudbaddiisa maanta ayuu ku ballan qaaday in labada dal ay yeelan doonaan mid ka mid ah heshiisyada ganacsi ee ugu weyn.

Labada mas’uul ayaa ammaanay cilaaqaadka ka dhexeeya Mareykanka iyo India.

“America wey jeceshahay India. America waa ay xushmeysaa India, America waligeedba waxay ahaan doontaa saaxiibka dhabta ah ee shacabka India,” ayuu Trump yiri.

Waxa uu sheegay in labada dal ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan la dagaalanka argagixisada.

“Xuduudeheenu waa ay ka xirnaan doonaan kuwa argagixisada ah, iyo argagixisanimada, iyo dhamaan fikradaha xagjirnimo,” ayuu yiri.

XS
SM
MD
LG