Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Falastiin iyo Israel oo xal ka gaaray muran ganacsi


Israel ayaa soo geba-gebeysay mamnuucis ay saartay wax soo saarka beeraha Falastiiniyiinta ee loo soo dhoofiyo kadib marki maamulka Falastiiniyiinta ay ka laabteen xaddidaad ay kusoo rogeen hilibka looga soo dhoofiyo Israel, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca Israel.

Tallaabadan ayaa soo geba-gebeeneysa muran ganacsi oo muddo u dhaxeeyey labada dhinac.

Mamaulka Falastiiniyiinta ayaa bishii September aad u yareeyey hilibka lo’da ee looga soo dhoofiyo Israel, ayaga oo sheegay inay doonayaan inay ka kaaftoomaan ku tiirsanaantooda warshadaha hilibka soo saara ee Israel.

Kadib markii ay guul-darreysteen wada-hadallo arrintaas laga xalin lahaa, Israel ayaa 2-dii Febraayo mamnuucay dalagyada beeraha Falastiin ee loo soo dhoofiyo.

Falastiiniyiinta ayaa ku aargutay ayaga oo mamnuucay badeecado kale oo laga soo saaro Israel, sida cabitaanka fudud iyo biyaha gasacdeysan.

Israel ayaa kadib joojisay alaabaha ay Falastiiniyiinta soo marsadaan buundada Allenby ee Daanta Galbeed ku xirta dalka Jordan, halkaas oo ahayd marinka kaliya ee Daanta Galbeed ugu furan suuqyada dibedda.

Hase yeeshee, wasiirka difaaca Israel Naftali Bennet ayaa maanta ku dhowaaqay inuu xayiraadda ka qaaday dhammaan badeecadaha Falastiin, “kadib markii la qaaday xannibaadii saarneyd beeraleyda Israel.”

Wasaaradda Beeraha Falastiin ayaa iyana shaacisay in sida ugu dhaqsiyaha loo billaabay soo dhoofinta badeecadaha Israel oo uu ku jiro hilibka lo’da.

“Tani waxay timid kadib wada-hadallo toos ah iyo kuwa aan toos ahayn oo la yeeshay ayada oo ay qeyb ka yihiin dhinacyo caalami ah, taasi oo dhalisay in Israel ay joojiso ficilladeeda sharci-darrada ahaa,” ayey wasaaradda ku tiri qoraal ay soo saartay.

AFP

XS
SM
MD
LG