Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bas u socday Nairobi oo lagu weeraray Mandera


Ciidamada Kenya oo ku sugan waddo ka tirsan Mandera (Sawir hore)
Ciidamada Kenya oo ku sugan waddo ka tirsan Mandera (Sawir hore)

Wararka ka imanaya Gobolka Mandera ayaa sheegaya in weerar lala beegsaday baabuur bas ah uu maanta ka dhacay degaankaas.

Wararka aanu ka helnay dadka degaanku waxa ay sheegayaan in maleeshiyo la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerareen baabuurka oo u socday magaalada Nairobi.

Wararka hordhaca ah ee nasoo garaaya ayaa sheegaya inuu jiro khasaare nafeed oo ay gaysteen maleeshiyada weerartay baabuurkaas baska ah.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa werinaya in weerarka lagu dilay ugu yaraan afar qof, islamarkaana lagu dhaawacay shan kale.

Baska la weeraray ayaa waxaa iska leh shirkadda lagu magacaabo Moyale Raha, waxaana uu ka mid yahay basaska ay isticmaalaan dadka rayidka ah ee iskaga kala gooshaya gobollada Kenya.

Wariyaha VOA-da Maxamed Faarax Shire ayaa warbixintan Gaarisa ka soo diray.

Bas u socday Nairobi oo lagu weeraray Mandera
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:44 0:00


XS
SM
MD
LG