Weli waxaa sii kordhaya tirada dadka u dhimanaya xanuunka Corona Virus oo faro-ba’an ku haya dalka Shiinaha, gaar ahaan magaalada Wuhan.
Ilaa haatan waxaa Shiinuhu ay sheegeen inay ku dhinteen ku dhowaad 1900 qof sida ay sheegeen hay’adaha warbaahinta, waxaana weli magaalada ku xayiran arday Soomaali ah.
Haaruun Macruuf ayaa khadka telefoonka ee Wuhan kula xiriiray saddex arday oo kala ah Dr. Yaasiin Gaardo, Amiin Daahir iyo Cabdulqaadir Maxamed Cabdi.
Waxaa kale oo walaaca ardayda ka jawaabi doona safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Cawaale Kulane, oo isna la hadlay VOA. Hadalkana waxaa ku horraynaya Dr Yaasiin Gaardo oo ka hadlaya xaaladda magaalada Wuhan.
Hoos ka dhageyso wareysiyadooda