Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: 5 sano kadib, howl-galkii Boni oo weli aan guuleysan


Kenya ayaa sanaddii 2015 billowday howl-gal argagixisada Al-Shabaab looga sifeynayo Kaymaha Boni ee Waqooyi Bari ee ku teedsan xuduudda Soomaaliya.

Howl-galka ayaa qorshuhu ahaa in dhowr bil gudahood lagu soo geba-gebeeyo, hase yeeshee – shan sano kadib – ciidamada ammaanka ayaa weli la xarbinaya inay soo afjaraan mintidiinta.

Dadka deegaanka ayaa ka cabsanaya inay aadaan kaymaha, waxaana weerarkii ugu dambeeyey ee Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga Manda Bay ee ciidamada Mareykanka uu tusmeeyey amni-darrada weli ka jirta gobolka.

Haddaba maxaa loogu guuleysan la’yahay in Al-Shabaab laga sifeeyo xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya. Waxaa warbixin uu ku eegayo kasoo diray Maxamed Yuusuf.

Waxaa soo jeedinaya Cabdi Xaafid Cawil Ismaaciil.

5 sano kadib, howl-galkii Boni oo weli aan guuleysan
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:03 0:00


XS
SM
MD
LG