Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaaradaha Israel oo loo fasaxay hawada Sudan


Al-Burhan and Netanyahu
Al-Burhan and Netanyahu

Diyaarad ay leedahay Israel ayaa markii u horreysay ku duushay hawada dalka Sudan taasi oo uu Ra’iisulwasaaraha Israel Benajmin Netanyahu ku sheegay tusaale kale oo ku aadan hagaajinta xiriirka dalalkii ay hore isku hayeen.

Israel ayaa farsamo ahaan dagaal la ah dalka Sudan, oo taageerta kooxaha Islaamiyiinta ah oo ay ku jiro Alqaeda oo ay mar caawin jirtay xilligii Madaxweyne Cumar Al-Bashir.

Bashir ayaa Ciidamada qalabka sida ee dalkaasi ay xilka ka eryeen bishii April ee sanadkii hore ka dib banaanbaxyo socday muddo bilooyin ah oo dowladdiisa looga soo horjeeday.

"Diyaaradda Israa’iil waxa ay dhaaftay shalay hawada Sudan. Waa mid muujineysa isbadal,” ayuu Netanyahu ugu sheegay magaalada Qudus xubno ka tirsan hogaamiyeyaasha Yuhuudda Mareykanka ah, mana uusan bixin wax tafaasiil ah.

Wargeyska Haaretz ee ka soo baxa Israel ayaa ka soo xigtay sarkaal ka tirsan dowladda oo aan magaciisa la sheegin ayaa in diyaaraddu ay ahayd mid khaas ah.

Netanyahu ayaa laba todobaad ka hor la kulmay hogaamiyaha Sudan Abdel Fattah al-Burhan taasi oo ay xafiiska Ra’iisulwasaaraha Israel ku sheegeen wadahadallo looga gon leeyahay in caadi laga dhigo xiriirka labada dal.

Afhayeenka dowladda Sudan ayaa sheegay in Burhan “uusan siin wax ballan ah oo ku aadan in caadi laga dhigo xiriirka labada dal ama ay yeeshaan xiriir dublumaasiyadeed.”

Sudan ayaa ka mid ahayd wadamada Carbeed ee muddo go’doominta ku haayay Israel sababo la xiriira habka ay Israel kula dhaqanto Falastiiniyiinta iyo haysashadeeda dhul Carbeed.

Markii uu idlaaday dagaalkii lixda cisho ee sanadkii 1967-kii kaasi oo Israel ay kula wareegtay dhul balaaran oo Falastiiniyiintu leeyihiin iyo sidoo kale buuraleyda Golan Heights oo laga qabsaday Syria, ayaa madaxda wadamada Carabtu waxa ay ku kulmeen magaalada Khartoum halkaasi oo ay ka soo saareen qaraarka loo yaqaan “3 maya” oo kala ah; Nabad maya, aqqoonsi maya, wadaxaajood lala yeesho Israel maya.

Wadamada Khaliijka ayaa dhowaanahan sameeyey calaamado muujinaya iney hagaajinayaan xiriirkooda Israel oo ay wadaagaan cadaawadda ku wajahan Iran.

Netanyahu ayaa booqday dalka Oman sanadkii 2018 wuxuuna ku celceliyaa in go’doomintii dalkiisu ay soo idlaaneyso iyadoo aaney jirin wax qorshe nabadeed ah oo lala galay Falastiiniyiinta.

Masar iyo Jordan ayaa ah laba dal ee Carab ah ee xiriirka tooska ah ee dublumaasiyadeed la leh Israel.

AFP

XS
SM
MD
LG