Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadka uu Dilay Coronovirus oo Gaaray 1,500 Qof


Tirada guud ee dadka u geeriyooday feyriska ka dillaacay Shiinaha ayaa dhaaftay 1,500 oo qof maanta oo Sabti ah iyadoo maamulka Beijing ay ku amreen dadka ka soo noqonaya fasaxyada ee imanaya caasimadda in ay tagaan goobaha karantiilka oo lagu hayn doono 14 cisho si loo xakameeyo faafitaanka feyriskan.

In ka badan 66,000 oo qof ayaa la xanuunsanaya firuskan oo markiisii hore ka bilowday gobolka Hubei ee bartahamaha dalkaasi bishii December, ka hor inta uusan ku faafin qeybaha kale ee dalkaasi halkaasi oo malaayiin qof ay bishii hore ku jireen fasaxa sanadka cusub ee Lunar-ka dalkaasi.

Waqtiga fasaxa ayaa la kordhiyey si looga hortago faafitaan dheeri ah oo cudurkan cronovirus uu sameeyo, laakin dadka ayaa bilaabay iney kusoo laabtaan shaqooyinkooda todobaadyadii la soo dhaafay.

Maamulka magaalada Beijing ayaa Jimcadii meel mariyey amar ku qasbaya dhamaan dadka imanaya caasimadda in mudo 14 cisho ah ay iskarantiilaan, iyagoo ku hanjabay in qofkii aan sharcigan u hogaansamin ay ciqaab marin doonaan.

Wasiir ku xigeenka Gaadiidka ee Shiinaha Liu Xiaomin ayaa sheegay in Ilaa 283 milyan oo safar ay sameeyeen dadka Shiinuhu intii u dhaxaysay 25 janaayo-Jimcadii shalay.

AFP

XS
SM
MD
LG