Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kiisaska cusub ee Coronavirus oo hoos u dhacay


Tirada kiisaska cusub ee xanuunka Coronavirus ee Shiinaha ayaa hoos usii dhacaysa maalintii labaad oo toos ah, laakiin xeeldheerayaasha caafimaadka ayaan qabin in la joogo xilligii la is- dhigan lahaa.

Madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, Tedrros Odhanom ayaa taxaddar ka muujiyey warka ku saabsan inuu hoos u dhacayo cudurka, wuxuuna ka digay inuu usii faafi karo jiho kasta.

Odhanom ayaa sidoo kale sheegay inuu soo dhoweynayo jawaabaha waangsan ee cilmi-baarayaasha caalamiga iyo inay la yimaadaan qorsheyaal iyo ballanqaadyo wadajir ah oo lagula dagaallamo Fayrus-ka.

Madaxa barnaamjijka xaaladda dag dagga ah ee hay’adda WHO, Mike Ryan ayaa ammaan u jeediyay howlgalka caafimaad ee Shiinaha ay ku wajahayaan xanuunka, isagoo tilmaamay inay siinayso fursad lagu joojiyo.

Kaliya 1% oo kamid ah 45,000 ee la ildaran Fayrus-ka Corona ayaa laga diiwaangaliyay meel dibadda ka Shiinaha.

Mas’uuliyiinta gobolka Hubei ee Shiinaha ayaa ku warramay 242 qof ooh ore leh oo u dhintay cudurka, taasi oo tirada u geeriyootay xanuunka tan iyo bishii December ka dhigeysa 1300 qof.

XS
SM
MD
LG