Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay Sudan u go'aansatay inay dhiibto Al-Bashiir?


Omar Hassan Al-Bashir
Omar Hassan Al-Bashir

Dowladda ku-meel gaarka ah ee Sudan ayaa aqbashay in madaxweynihii hore ee dalkaas Omar al-Bashir ay u gacan geliso maxkamadda dambiyada ee ICC, kadib markii magaalada caasimadda ah ee Khartoum ay ku kulmeen dowladda iyo mucaaradka gobolka Darfur.

Wakaaladda wararka Sudan ee SNA ayaa sheegtay in dowladda iyo mucaaradka Darfur ay isla ogolaadeen in dhiibista dadka ay dooneyso maxkamadda ICC ay muhiim u tahay in caddaalad ay ka dhacdo Darfur.

Maxkamadda ICC ayaa Al-Bashir u dooneyso eedo la xiriira dambiyo dagaal, dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada iyo xasuuq.

Go’aanka lagu dhiibayo Al-Bashiir ayaa yimid ayada oo kooxaha ku heshiiyey xukunka Sudan ay hore u sheegeen in aanay madaxweyne Al-Bashiir u dhiibi doonin maxkamadda ICC.

Haddaba maxaa is-beddely, su’aashaas iyo kuwo kale ayuu Cabdixaafid Cawil Ismaaciil weydiiyey Dr. Sacad Sheekh Cusmaan Nuur oo arrimaha Carabta aqoon u leh, kuna sugan gobolka Virginia ee dalka Maraykanka.

Maxay Sudan u go'aansatay inay dhiibto Al-Bashiir?
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:47 0:00


XS
SM
MD
LG