Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Erdogan oo ku hanjabay tallaabo ka dhan ah Syria


Erdogan
Erdogan

Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in militariga dalkiisa ay cirka iyo dhulka uga weerari doonaan meel kasta oo ay ku sugan yihiin ciidamada Syria, haddii askari oo kale Turkish ah ay waxyeeleeyaan.

Erdogan ayaa sheegay in Turkey ay ka go’an tahay inay ciidamada dowladda Syria ka durjiyaan goobaha kormeerka ee gobolka waqooyiga galbeed ee Idlib, ka hor dhammaadka Bisha Febraayo.

Waxa uu uga digay ciidamada mucaaradka Syria ee xulufada la ah dalkiisa, inaysan siin ciidamada dowladda Syria cudurdaar ay kusoo weeraraan.

Rabshado ayaa ka socday gobolka Idilb oo ku teedsan xuduudda Koonfureed ee Turkey toddobaadyadiii tegay, ayada oo ciidamada dowladda oo ay taageerayaan Russia iyo Iran ay qabsadeen dhulal badan.

Turkey oo xulufo la ah qaar ka mid ah mucaaradka kasoo horjeeda dowladda madaxweyne Basha Al-Assad ayaa Talaadadii qaaday weerar jawaab ah kadib markii ciidamada Syria ay duqeymo ka dhacay Idlib ku dileen 13 askari oo Turkish ah, 10-kii maalmood ee tegay.

“Haddii dhaawaca ugu yar la gaarsiiyo ciidamadeena, waxaan halkan uga dhowaaqayaa inaan ciidamada Syria ku beegsan doonno meel kasta,” ayuu yiri Erdogan.

Xiisadda Idlib ayaa sidoo kale dhaawacday xiriirka Ankara iyo Moscow. Wakaaladda wararka TASS ee Syria ayaa maanta sheegtay in Erdogan iyo Putin ay ku wada hadleen taleefonka iskuna raaceen inay sii wadaan xiriirkooda Syria.

REUTERS

XS
SM
MD
LG