Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bernie Sanders oo ku guuleystay New Hampshire


Senator-ka gobolka Vermont Bernie Sanders ayaa ku guuleystay doorashadii Talaadadii ka dhacday gobolka New Hampshire ee lagu xulayey musharaxa xisbiga dimoqraadiga ee bisha November madaxtinimada Mareykanka kula loolami doona madaxweyne Donald Trump.

Sanders ayaa helay 26% codadka, isaga oo ka adkaaday duqii hore ee magaalada South Bend ee gobolka Indiana Pete Buttigieg oo kaalinta labaad ku galay 24%. Senator Amy Klobuchar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa kaalinta saddexaad ku gashay 20%.

Sanders ayaa taageerayaashiisa ugu sheegay magaalada Manchester inuu “guul weyn” gaaray, wuxuuna ballan-qaaday in Dimoqraadiga ay isku iman doonaan, si ay uga adkaadaan Trump.

“Aan idiin sheego in guusha caawa ay tahay billowga dhammaadka Donald Trump,” ayuu yiri Sanders.

Dhinaca kale, codadka ay heshay Senator Klobuchar ayaa ka yaabiyey dad badan, ayada oo saadaal ay sameysay jaamacadda New Hampshire ka hor doorashada ay muujisay inay haysatay taageerada kaliya 7% dadka.

Amy Klobuchar ayaa sheegtay in ololaheeda uu mar kale ka adkaaday saadaasha kuwa siyaasadda fallanqeeya.

Hase yeeshee doorashadiii xalay ayaa mar kale noqotay mid niyadjab u ah madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, oo kaalinta shanaad ku galay 8% codadka.

Biden ayaa dad badan ay saadaalinayeen inuu noqon doono musharaxa dimoqraadiga ee wajahaya Trump, hase yeeshee labadii doorasho ee Iowa ee New Hampshire ayuu Biden ka galay kaalimo hoose.

XS
SM
MD
LG